๐˜€๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฟ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ?

 



Asc Tusaale iska soo qaad in aad tahay ninkan oo aad wax soo saar laheyd horaantii bisha ama sanadka , waxaa aqrineysay buugaag badan , waxaad si joogto ah u sameyneysay jimicsi , oo aad shaqadaada ku tageysay waqti loogu talagay, adiga oo sidaa productivitigaaga u wanaagsanaa ayey xaaladu kugu adkaatey , wax walb awaxey kuugu muuqdaan kuwa xoogaa adag in la sameeyo , waad daalantahy, waxaad lumisay dhamaan dhiirigelintii aad hore u laheyd inaad ahaato mid dadaal badan , Oo xataa ma garan kartid sababtii aad markii hore wax soo saar u laheyd laakiin hada aadan u laheyn ,  nasiib darose dhiirigelin laaantan waxey bilaabtaa iney dhex gasho qeybaha kale ee noloshaada , waxaad ka caajiseysaa in aaad aado goobta jimicsiga oo aad jimicsato. Hal maalin waxey isu beddeshaa labo maalmood , labo maalmoodna waxey isu bedelaan toddobaad. Waxa kale oo aad bilaabeysaa inaad cunto cunto aan caafimaadkaaga u fiicneyn, daawato tvga muddo dheer, ciyaarto gameska maalayacniga ah , habeen walba aad dhafarto oo subixii adigoo daalan soo kacdo xilli danbe , oo aad ka welwesho in  aadan sameynin waxyaabaha muhiimka ey tahay in aad sameyso,

  maxeynu weli sidaa u nahay?

Dadbadan mudadaas dheer ee isburburinta iyo guul darada waxey u heysaan wax iska caadi ah halka dadka qaar ey dareensanyihiin in eey rafaad ku jiraan.  Waxaan doonayaa in aan ku siiyo hage wax ku ool ah sida aad rafaadkaas uga bixi laheyd

 

Istiraatijiyada koobaad: waa in aad isticmaasho mabda’a wax samee

Mabda,ani  waa kicinta ficilka hadii aanad laheyn dhiirigelin aad wax ku sameyso waxaaad  ubaahantahay shay dhalin doona dheerigelin , mabda’a wax samee waa hab aad ku dhaqaaqdo marka aanad heysan dhiirigelin aad wax ku qabato, marka dadka badankooda waxey u maleynayaan in si ay wax u qabtaan u baahanyihiin dhiirigelin, tusaale youtubeka ayaad ka daawatey video dhiirigelin ah si aad talaabo ugu qaado yoolalkaaga  yoolalkaaga lakin dhiirigelintan marwalba ma heysan doontid laakiin in aad isticmaasho mabda’a wax samee marka waxaa aad u wanaagsan in aad ficil ku bilaawdo si ficilka aad uga hesho dhiirigelin. hadii aadan niyad u hayn in aad wax sameyso markaa waa inaad wax uun  sameysaa taasi waxtar bey leedahay waxaa ka mid ah in xitaa aad ilkahaaga cadaysato taas waxey ku siineysaa dhiirigelin aad wax kale ku qaban karto. Hadii ay tahay inaad qorto curis weyn kaliya ka fakir in aad ducumintiga  aad fureyso aadna bilowdo inaad qorto wixii maskaxdaada ku soo dhaco.

 

Istiraatijiyada  labaad:  waxey u muuqataa mid liddi ku ah wixii aan hadda sheegnay taasina waa in aad naftaada ku abaal mariso guulo yaryar.

 

Marka aad waxqabato ama aad guulyar gaarto waa inaad abaalmarin siisaa naftaada taasi waxey kugu dhiirigelineysaa in aad guulo kale oo badan gaarto. Teeda kale marka aan ku leeyahay isticmaal istiraatijiyada wax samee maahan inaad ka dhigto xad dhaaf oo marweliba aad wax sameyso ee sidoo kale isticmaal istiraatijiyadan inaad is abaalmariso oo aad nasato aadna raaxeysato shaqo dheer kadib taasi waxey ku siin doontaa awood aad dib ugu qalabsato oo aad isku diyaariso istiraatiyada wax samee .

 

Lambarka seddexaad :culeyska xad dhaafka ka day nafta.

markii aad soo marto waqti dheer oo is halaag ah ku mashquul sidii aad naftaada u korin laheyd usameyso qaab nololeed aad si tartiib tartiib ah. Oo aad is barbar dhigto ciddii aad shalay aheyd iyo qofka aa manta tahay , si aad u noqoto qof wax soo saar leh waa inaad si tartiib tartiib ah ugu qaado talaabo cusub oo aad joogteyso waxaad noqonesaa mid wax soo saar leh oo faraxsan.

Ugu danbeyn in aad iska hagaajiso alle ka cabsiga haduu Alle sw raali kaa yahay wax walba wey kuu fududaanayaan oo aadna istiraatijiyadahan isticmaasho rafaadka wuu kaa dhamaanayaa , maxaad sameysaa si aad u hesho dhiirigelin? haddii aad ka heshay muuqaalka suul saar nagu soo biir si aad u hesho muuqaalo noocan ah saaxiibadaa usharegarey  aad baa u mahadsantahay by

 

 

Post a Comment

Previous Post Next Post