๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐š๐๐š ๐ฐ๐š๐ฑ ๐š๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ฎ๐ฎ ๐ฅ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ





Asc dadku waxey qorayeen buugaag qarniyo badan buugagtana waxaa la qori doonaa waqti dheer oo soo socda, suaashu waxay tahay goorma ayey aheyd makii kuugu danbeysay ee aad buug akhrido, inkasta uu qofkastaa ogyahay in wax akhrisku yahay hawl aad u qiimo badan hadana waxaa hoos u dhacay caadadii aqriska buugaagta, dadka badankood waxey sheeganayaan inaaney heysan waqti ay wax ku akhriyaan hadaba celcelis qofwalba waxa uu daawadaa mobilka ama tvga in ka badan 2 saacadood  maalintii, waxaqriska waa jimicsiga maskaxda oo waxey muhiim u tahay sida jimicsiga jirka,  Marka halkan waxan kuugu soo gudbinayaa 5 faaiido oo uu wax akhrisku leeyahay.

Nambarka 1aad: waxaad ka heleysaa aqoon

Tani waa faaiidada ugu weyn iyo faaiidada ugu muhiimsan  ee akhriska .

Aadanuhu waa noolaha kaliya ee dunida ku nool ee gudbin kara macluumaadka iyo aqoonta, Luqadaha qorani waxey naga soocaan dhamaan noocyada kale, Tani waxey awood noo siineysaa in aan aqoonta si degdeg ah u wareejino, Waxeyna noo ogolaataa in aan si dhaqso leh u hormarno , waxkasta oo aad aqrido waxey maskaxdaada ka buuxiyaan xogo cusub iyo aqoon. Sidaa si la mid ah waxaad noqoneysaa mid awood uleh inaad wax ka qabato caqabadaha nolosha sidoo kale hadii aad lumiso waxkasta qofna kaama qaadi karo aqoontaada. 

Lambarka 2aad: hagaajinta xusuusta iyo xoojinta xirfada muhiimka ee xalinta mushkiladaha

In aad buugag badan akhrido waxey kaa dhigaysaa mid aad ugu wanaagsan dhanka xusuusta sidoo kale waxaad ka fakeraysaa dadka fikradahooda hamigooda iyo dhamaan waxkasta oo buuga ku xusnaa taas ayaan kaa dhigeysa mid aad u xoogantahay xasuustiisa.

Dhanka kale In aad ka fakirto inta aadan buuga dhameynin caqabadaha ku jira buuga oo aad xaliso markaa waxaa awoodey in aad shaqo geliso xirfadaha fekerka muhiimka ah adigoo ka fiirsadey dhamaan tafaasiisha lagu siiyey, oo aad kala soocdey.

 Lambarka 3aad: kobcinta erayo maalmeedka iyo hagaajinta xirfadaha qorista.

Marka aad  wax akhrido erayada badan ee aad la kulantid waxey si lama huraan ah u geli doonan erayadaada maalinlaha ah iyo in aad si fiican u hadasho.

Awooda in aad si kalsooni leh ula xariirto loo shaqeeyayaaasha iyo asxaabtaada waxey kor u qaadi doontaa kalsoonidaada sidoo kale hadii aad shaqaale tahay waxey kaacaawineysaa in lagu dalacsiiyo.

Dhanka kale marka laga yimaado balaarinta erayadaada sidoo kale waxay hagaajisaa qoraalkaaga , qorayaal badan oo guuleystey ayaa khibradooda ku kasbadey akhrinta buugagta kuwa kale.

Lanbarka 4aad: waxey kaa yareyneysaa walwalka  iyo walaaca.

U ogolaanshiyaha maskaxdaada iney diirada saarto waxyaabo aan aheyn caqabadahaaga waxey noqon kartaa mid faaiido badan leh xitaa lagama maarmaan ah , wax aqrisku wuxuu bixiyaa badbaado , caafimaad iyo beddel wax soo saar leh oo lagu bedelo fikirka xun , waxey maskaxdaada siineysaa meel amaan ah oo aad ku nasato , ilaa aad dib usoo ceshato xooga aad u baahantahay in aad uga gudubto caqabadahaaga .

Lanbarka 5aad: kordhinta diiradsaarida iyo kobcinta dhiirigelinta.

Nolosha wada  mashquulka ah oo uu dareenkayagu u soo jeedo jihooyin kala duwan oo ay adagtahay in aad wax diirada saarto oo uu sabab u yahay la socoshada mobilka casriga iyo social media dabcan noocan mashquulka ah waxa uu hoos u dhigaa wax soo saarka. Marka aad akhrineyso buug dhamaan dareenkaagu waxa uu diirada saaraa waxa aad akhrineyso taas oo keeneysa in dunida inteeda kale ay meesha ka baxdo, inaad akhrido 20 daqiiqo malinkii waxey hagaajin doontaa feejignantaada.

Sidoo kale wax akhrisku waxa uu kordhiyaa dhiirigelintaada oo akhrinta buugagta dhiirigelinta leh waxay wax ka tari kartaa koritaankaaga iyo hormarkaaga , buugu waxa uu ku siin doonaa fursad aad  u hesho waayo-aragnimada aadan fursad u helin oo kuu ogolaanaya in aad barato xirfadaha nololeed ee ku jira.

Asal ahaan wax akhrisku waa abuurka sheerigelinta sidaa si lamid ah wuxuu kaa dhigaa mid naxariis badan oo si wanaagsan u hurdo.

Ugu danbeyn akhrisku maaha kaliya mid aad ka heleyso xogo cusub ee waa mid kaa dhigaaya mid aad u caqli badan hadaba hadaad ogaatey faaiidooyinka wax aqriska miyaaney aheyn in aad bilowdo oo aad joogteyso wax akhriska hadii aad hore u aqriyi jirtay qeybta faalada nagula wadaagto qaabka aad wax u akhrido

Aad baa ugu mahadsantahay akhriska maqaalkan.






Post a Comment

Previous Post Next Post