๐—ก๐—ข๐—ค๐—ข ๐—ค๐—ข๐—ฅ๐—”๐—”


 Maaddaamaa aan qoraalkaan maanta uga hadleyno habka casriga ee loo noqdo qoraa heer caalami.

Hagaag: Haddii aad rabto in aad ku noolaato nolol 

ku dheehan ixtiraam iyo sharfid waxaa lama 

huraan ah, inaad ku fikirto sida aad u noqon lahayd 

qoraa anfaca bulshadiisa iyo qoysiiska, sidoo kale, 

qoraagu waa qalin qaadaha wax ka qoro arimo 

farabadan sida: 

Dhaqaalaha.

Fanka iyo suugaanta.

Siyaasadda.

Deegaanka.

Diinta.

Ciyaaraha iwm.


WAA MAXAY QORAAL


Qoraal waa nidaam xarfo loo habeeyay, taas oo 

laga damacsan yahay in lagu gudbiyo farriin, 

aqoon iwm.

Sidoo kale, qoraalku waxaan ku qeexi karnaa waa 

tilmaan ka samaysan xarfo, kaasi oo kooxdii dad 

ahi isla garanayso.

Qoraalku waa hab loo is ticmaalaya calaamada, si 

uu ugu beddalo u jeedo.

Qoraalku waa nidaam loo qoro xarfo kala 

horeeyo, ayada oo looga dan leeyahay in lagu 

gudbiyo fariin, sidaas darteed, qoraalku waa 

aasaaska is gaarsiinta aadanaha.

Akhriste: Qoraalku waxaan ku tilmaami karnaa

darreen, haddaba qoraalku waxaa loo beddali 

karaa hadal, qoraalkana hadal ayaa loo beddali 

karaa.

Hagaag: qoraalku wax yaalaha lagu qeexi karo 

waa farabadan yahay, balse, midka ku habboon 

ayaad ka qaadan kartaa akhriste.


F.G: Xarfaha farta soomaaliga waa 21 xarraf oo 

ka kooban shibane, shaqal dheer iyo shaqal gaab, 

Shibanaha: 

B,T,J,X,KH,D,R,S,SH,DH,C,G,F,Q,K,L,M,N,W,H, iyo 

Y.

Shaqal dheer: AA, EE, II, OO, iyo UU.

Shaqal gaab: A, E, I, O, iyo U.

Akhriste: Wixii ka baxsan xarfahaas afsoomali 

ma’aha, sidoo kale, waxaan kula tallin lahaa 

dadka qoreyaasha in ay difaacaan afkooda 

hooyo, walliba ka fogeeyaan wax yaalaha qallaad 

ee bulshada lagu jahwareerinaayo, haddaba 

waxaa jiro dadka sheeganaya qoraa in ay yihiin, 

haddana ku ciyaaraya afsoomaaligii la qoray, 

laguna heshiiyay hab qoraalkiisa, waxaan u 

sheegi lahaay qoreyaashaas in ay ka daayaan 

wax yaalaha lagu soo kordhinaayo afka 

soomaaliga


WAA KUMA QORAA?


Qoraagu waa laf-dhabbarka bulshada, haddii la 

rabo bulsho in ay jirto waxaa muhiim ah, in la hello

qoraa, qoraagu wuxuu ka turjumayaa jiritaanka 

luqaddiisa hooyo, akhriste waxaad ogaataa ummad 

walbo dunidaan ku nool, waxa ay leedahay qoraa, 

sidoo kale, hadii larabo in la baabi’iyo bulsho, 

waxaa laga soo galaa saddex dhinac, 1: diintooda, 

2: dhaqan kooda, 3: luqaddooda.

Marka luuqadda ay bulsho leedahay , hadii la hor 

mariyo waxey ka dhigan tahay jiritaanka bulshada, 

haddaba akhriste, waa in aad diiradda saarto, 

qorista buugaagta, maxaa yeelay, marka aad wax 

qorto bulshada waad ka duwan tahay, xitaa goob 

walbo, waxaad la kul meysaa dad ku jecel, tusaalle, 

marka aad ilmo dhasho, waxaa la leeyahay, waa 

wareey ka leexda waa ilmihii qoraaga!, haddaba 

akhriste, haddii saas laguu wanaajinaayo waa in 

aad noqotaa qoraa, faafiya luqaddiisa hooyo, noqo 

mid kusoo kor- dhiyo bulshadiisa buugaag wax tar 

leh sida.

Buugaagta kobciya maskaxda aadanaha.

Buugaagta dhiira gellinta nolosha.


Buugaagta ku cibra qaadashada caqabadaha 

nolosha.

Hagaag, Qoraagu waxa uu kamid yahay dadka la 

qiimeeya dunida, waxeyna ka dhigan yihiin 

jiritaanka bulshada, sidoo kale, waxaa muhiim ah 

in la qiimeeyo qof walbo oo hal abuur la 

yimaado,laakiin, haddii aan soomaali nahay ma 

qiimayna qofka hal abuurka leh sida farsamo 

yaqaanada, waxaan ugu yeernaa boon boon 

dhalay, laakiin, dunida waxaa looga yeeraa 

injineer.

F.G: Qoraagu waa laf dhabarka bulshada, 

haddaba qiimeey


TIIRARKA QORAALKA


Qoraalku wuxuu leeyahy tiirar aad u weyn, 

kuwaas oo aan suurta galaynin la’aantood, 

haddaba, waa saddex tiir.

1: Marka la rabo in wax la qoro waxaa laga 

maarmaan ah Ogaansho, sababtoo ah, qofka 

marka uu wax ka qoraayo waa in uu wax ka 

fahansan yahay, kana faalloonkara.

2: Baarris, baaristu waa waxa keliya ka dhabbayn 

Karo in aad wax qorta, waayo, baaris la’aan waxey 

caqabad ku noqonaysaa qoraaga.

3: Falaqeyn, wax walbo la baaro waa in la keenaa 

natiijadooda saxda ah, maxaa yeelay, fallaqeyntu 

waxey kaallin muhiim ah, ka ciyaartaa in la hello 

xog la isku hallayn karo.

Akhriste: Sidoo kale, tiirarka qoraalka waxaan 

dhihi karnaa naxwaha Afka Soomaliga, waayo, 

wax walbo Waxey leeyihiin naxwo, haddaba, haddii aad rabto 

in aad noqoto qoraa, waa in aad barataa naxwaha


ASTAAMAHA QORAALKA


Astaamaha qoraalka waxey kamid yihiin wax 

yaalaha lagu fahmo qoraalka isla socdo iyo kuwa 

aan isla socon, haddaba sida aan ognahay dhiggaal 

ama qormo walbo waxey u baahan tahay haggaajin 

ama qurxin, haggaag, astaamaha waxaa kamid ah.

1: Calaamad su’aalka (?) bilaha oo la furo.

2: joogsiga (.)

3: Xigasho (‘’ ‘’) xigashadu waxaa loo adeegsadaa 

qoraal laga soo xigtay qof kale.

4: Caalamad la yaab (!) tusaalle, yaah!

5: Dhibic iyo hakad (.,)

6: Diilin (/)


Akhriste: astaamaha ku qoran weedha dhexdeeda.

1: Astaan hakad (,)

2: dhibic hakad (.)

3: Labo dhibcood (:)

4: Jiitin dheer (--)

F.G: Xaraf walbo oo ugu horeeyo qormadaada waa 

la weyneeyaa wuxuu rabo ha noqdo, sidoo kale, 

hadal hadduu dhammaado ha kusii dabaqabanin 

hadal kale, balse ku bilaw sadar cusub.




Post a Comment

Previous Post Next Post