Maaddaamaa aan qoraalkaan maanta uga hadleyno habka casriga ee loo noqdo qoraa heer caalami.
Hagaag: Haddii aad rabto in aad ku noolaato nolol
ku dheehan ixtiraam iyo sharfid waxaa lama
huraan ah, inaad ku fikirto sida aad u noqon lahayd
qoraa anfaca bulshadiisa iyo qoysiiska, sidoo kale,
qoraagu waa qalin qaadaha wax ka qoro arimo
farabadan sida:
Dhaqaalaha.
Fanka iyo suugaanta.
Siyaasadda.
Deegaanka.
Diinta.
Ciyaaraha iwm.
WAA MAXAY QORAAL
Qoraal waa nidaam xarfo loo habeeyay, taas oo
laga damacsan yahay in lagu gudbiyo farriin,
aqoon iwm.
Sidoo kale, qoraalku waxaan ku qeexi karnaa waa
tilmaan ka samaysan xarfo, kaasi oo kooxdii dad
ahi isla garanayso.
Qoraalku waa hab loo is ticmaalaya calaamada, si
uu ugu beddalo u jeedo.
Qoraalku waa nidaam loo qoro xarfo kala
horeeyo, ayada oo looga dan leeyahay in lagu
gudbiyo fariin, sidaas darteed, qoraalku waa
aasaaska is gaarsiinta aadanaha.
Akhriste: Qoraalku waxaan ku tilmaami karnaa
darreen, haddaba qoraalku waxaa loo beddali
karaa hadal, qoraalkana hadal ayaa loo beddali
karaa.
Hagaag: qoraalku wax yaalaha lagu qeexi karo
waa farabadan yahay, balse, midka ku habboon
ayaad ka qaadan kartaa akhriste.
F.G: Xarfaha farta soomaaliga waa 21 xarraf oo
ka kooban shibane, shaqal dheer iyo shaqal gaab,
Shibanaha:
B,T,J,X,KH,D,R,S,SH,DH,C,G,F,Q,K,L,M,N,W,H, iyo
Y.
Shaqal dheer: AA, EE, II, OO, iyo UU.
Shaqal gaab: A, E, I, O, iyo U.
Akhriste: Wixii ka baxsan xarfahaas afsoomali
ma’aha, sidoo kale, waxaan kula tallin lahaa
dadka qoreyaasha in ay difaacaan afkooda
hooyo, walliba ka fogeeyaan wax yaalaha qallaad
ee bulshada lagu jahwareerinaayo, haddaba
waxaa jiro dadka sheeganaya qoraa in ay yihiin,
haddana ku ciyaaraya afsoomaaligii la qoray,
laguna heshiiyay hab qoraalkiisa, waxaan u
sheegi lahaay qoreyaashaas in ay ka daayaan
wax yaalaha lagu soo kordhinaayo afka
soomaaliga
WAA KUMA QORAA?
Qoraagu waa laf-dhabbarka bulshada, haddii la
rabo bulsho in ay jirto waxaa muhiim ah, in la hello
qoraa, qoraagu wuxuu ka turjumayaa jiritaanka
luqaddiisa hooyo, akhriste waxaad ogaataa ummad
walbo dunidaan ku nool, waxa ay leedahay qoraa,
sidoo kale, hadii larabo in la baabi’iyo bulsho,
waxaa laga soo galaa saddex dhinac, 1: diintooda,
2: dhaqan kooda, 3: luqaddooda.
Marka luuqadda ay bulsho leedahay , hadii la hor
mariyo waxey ka dhigan tahay jiritaanka bulshada,
haddaba akhriste, waa in aad diiradda saarto,
qorista buugaagta, maxaa yeelay, marka aad wax
qorto bulshada waad ka duwan tahay, xitaa goob
walbo, waxaad la kul meysaa dad ku jecel, tusaalle,
marka aad ilmo dhasho, waxaa la leeyahay, waa
wareey ka leexda waa ilmihii qoraaga!, haddaba
akhriste, haddii saas laguu wanaajinaayo waa in
aad noqotaa qoraa, faafiya luqaddiisa hooyo, noqo
mid kusoo kor- dhiyo bulshadiisa buugaag wax tar
leh sida.
Buugaagta kobciya maskaxda aadanaha.
Buugaagta dhiira gellinta nolosha.
Buugaagta ku cibra qaadashada caqabadaha
nolosha.
Hagaag, Qoraagu waxa uu kamid yahay dadka la
qiimeeya dunida, waxeyna ka dhigan yihiin
jiritaanka bulshada, sidoo kale, waxaa muhiim ah
in la qiimeeyo qof walbo oo hal abuur la
yimaado,laakiin, haddii aan soomaali nahay ma
qiimayna qofka hal abuurka leh sida farsamo
yaqaanada, waxaan ugu yeernaa boon boon
dhalay, laakiin, dunida waxaa looga yeeraa
injineer.
F.G: Qoraagu waa laf dhabarka bulshada,
haddaba qiimeey
TIIRARKA QORAALKA
Qoraalku wuxuu leeyahy tiirar aad u weyn,
kuwaas oo aan suurta galaynin la’aantood,
haddaba, waa saddex tiir.
1: Marka la rabo in wax la qoro waxaa laga
maarmaan ah Ogaansho, sababtoo ah, qofka
marka uu wax ka qoraayo waa in uu wax ka
fahansan yahay, kana faalloonkara.
2: Baarris, baaristu waa waxa keliya ka dhabbayn
Karo in aad wax qorta, waayo, baaris la’aan waxey
caqabad ku noqonaysaa qoraaga.
3: Falaqeyn, wax walbo la baaro waa in la keenaa
natiijadooda saxda ah, maxaa yeelay, fallaqeyntu
waxey kaallin muhiim ah, ka ciyaartaa in la hello
xog la isku hallayn karo.
Akhriste: Sidoo kale, tiirarka qoraalka waxaan
dhihi karnaa naxwaha Afka Soomaliga, waayo,
wax walbo Waxey leeyihiin naxwo, haddaba, haddii aad rabto
in aad noqoto qoraa, waa in aad barataa naxwaha
ASTAAMAHA QORAALKA
Astaamaha qoraalka waxey kamid yihiin wax
yaalaha lagu fahmo qoraalka isla socdo iyo kuwa
aan isla socon, haddaba sida aan ognahay dhiggaal
ama qormo walbo waxey u baahan tahay haggaajin
ama qurxin, haggaag, astaamaha waxaa kamid ah.
1: Calaamad su’aalka (?) bilaha oo la furo.
2: joogsiga (.)
3: Xigasho (‘’ ‘’) xigashadu waxaa loo adeegsadaa
qoraal laga soo xigtay qof kale.
4: Caalamad la yaab (!) tusaalle, yaah!
5: Dhibic iyo hakad (.,)
6: Diilin (/)
Akhriste: astaamaha ku qoran weedha dhexdeeda.
1: Astaan hakad (,)
2: dhibic hakad (.)
3: Labo dhibcood (:)
4: Jiitin dheer (--)
F.G: Xaraf walbo oo ugu horeeyo qormadaada waa
la weyneeyaa wuxuu rabo ha noqdo, sidoo kale,
hadal hadduu dhammaado ha kusii dabaqabanin
hadal kale, balse ku bilaw sadar cusub.
