๐’๐ˆ๐ƒ๐„๐„๐ƒ ๐‚๐€๐๐€๐๐€๐ƒ๐Ž๐Ž๐ƒ ๐Ž๐Ž ๐†๐”๐”๐’๐‡๐€ ๐Š๐€๐€ ๐‡๐Ž๐‘๐“๐€๐€๐†๐€๐

 




CAQAABADA 1AAD


HADAF LA’AAN. 


Muxuu asaagay u hormaray anna aan u dib dhacay? 
Akhristaha qiimaha badanoow, ma dhacdaa inay ku soo maraan habeenno, maalmo, 
asbuucyo iyo bilo kala duwan oo aad wali adigii tahay waxna aanay kaa iska bedelin? ma 
dhacdey inaad sanad ka hor aad qimaysay heerka aad joogto ha haato dhanka aqoonta, 
dhaqaalaha, cibaadada, dhaqan wanaaga iwm, natiijadii kuu soo baxdey intaad meel ku 
qoratay, maanta oo aad Buuggan akhrinayso qiimayn labaad ma isku samaysay? Maxaa kaa 
iska baddaley? Ma horumartay mise hoos ayaad u dhacdey? 
Ma is weydiisay waligaa su'aalahan noocan oo kale ah. 
Maxaa asaaggey u hormaray oo aan meeshaydii u taaganahay? Muxuu saaxiibkay u 
hormaray anna meesha i taagey? Maxaa noloshayda ka dhigey mid isku mid ah, maanta 
shalay ayay la mid tahay, berrito maanta ayay la mid noqon? Maxaa sababay inaan saas 
noqdo oo aan talaabo horey ugu qaadi waayo? 
Maxaa noloshayda ka dhigey mid ah giraangir wareegeysa oo meeshay shalay taagnayd 
beritana ku soo laabanaysa?
Akhriste su'aalahaas iyo kuwa la midka ah waxaa keena ama sababa in qofka qabsadaan oo 
ku habsadaan hal shay oo ah inuu qofku ku noolaado nolol ku astaysan " hadaf la'aan, ula 
jeedo la'aan, qorshe la’aan). 
Inay noloshaadu saas noqoto waxaa keenaaya dabar xoog weyn ayaa kugu xiran, dabarkaas 
oo ah ‘Hiigsi La'aan’. 
Haddii aynaan hadaf yeelan sidee nolosheena noqonaysaa? 
Haddii nolosheenu hadaf la’aan noqoto, waxay noqon mid ku astaysan mushkiladba 
mushkilad hakuu dhiibto, halka dadka noloshoodu ku dhisan tahay yoolal iyo hiigsiyo ay 
hiigsanaayan ay tahay, fursadba fursad hakuu dhiibto. 
Nolosha aan ku qotomin yoolal la hiigsanaayo, waxaa weeye nolol ku tilmaaman jaah wareer 
aan lahayn meel looga baxo.
CAQABADA 2AAD. 
QORSHE LA’AAN 
Maxey tahay qorshayn? maxaa loola jeedaa nolol qorshaysan? 
Nolol qorshaysan waxey ka dhigan tahay inaad jawaab u hesho su’aashan: - 
Sidee ku gaari karaa yoolalkaan hiigsanaayo? maxey yihiin talaabooyinka layga rabo in aan 
qaado saan u gaaro yoolalkayga? 
Su'aashan markaad jawaab u hesho ayaa la dhihi karaa waxaad tahay qof qorshe u degsan 
yahay noloshiisuna u qorshaysan tahay. 
Maw aragtaa in qorshe ladegsadaa ay muhiim tahay faa’iidana leedahay? 
Dadka qaarkood markaad la sheekaysato weydiisana su’aashaan ( maxaad ka aaminsan tahay 
inuu qofku qorshe yeesho ? ), waxaad arkaysaa dad badan oo kuugu jawaabaaya, anigu 
ma’aaminsani in qorshe dajin faa’iido weyn noloshayda ku soo kor dhinayso, bal waxaan u 
arkaa inu waqti lumis tahay, waayo wax badan ayaan ka qeyb galay meelo lagaga hadlaayo 
ama lays ku tababaraayo habka qorshaha loo dajiyo, wax badana waan isku deyay in aan 
qorshe degsado, hase yeeshee isku dey yadii waxey ku dhamaateen guul darro iyo waqti 
lumis. 
xageebaad u socotaa? 
Akhriste, haddii aysan kuu cadayn kuuna qorshaysnayn meeshaa u socoto, sow mahaboona 
inaad is weydiiso su’aashan oranaynsa xageebaad u socotaa? halkee reer ku furaysaa? xage 
geedi ku tahay! 
 Waayo su’aashani waxay xanbaarsan tahay arrin aad u weyn oo loo baahan yahay in qof 
kastaa is weydiiyo, su’aashaas ayaa waxaa ka dhalanaaya inuu qofku qorshe saMayso yoolna 
degsado. 
Eebbe ayaa 14 qarni ka hor ku soo dajiyay Suubanaheenii (NNKH) ayaad xanbaarsan 
su’aashaan, Alle wuxuu yiri: 
. ู‚ุงู„ ุชุนุงู„ู‰ : ( ูุฃูŠู† ุชุฐู‡ุจูˆู† ) ุณูˆุฑุฉ ุงู„ุชูƒูˆูŠุฑ ุขูŠุฉ 26
Rabbi isagoo aadanaha la hadlaaya ayuu ku yiri, halkee u socotaan? Halkee aadeysaan 
markaad ka tagtaan oo ka leexataan waddadaan idiin jeexey ee Nabi Muxammed idiinku soo dhiibay? Halkee uga tagteen qur’aanka raacitaankiisa iyo ku dhaqankiisa? Halkee naftiina 
adduunyo iyo akhiraba uga tagteen? 
Waa su’aalo muhiim ah loogana baahan yahay inuu qofku is weydiiyo, waayo Alle inooma 
abuurin in aan noqono dad iska socda oo aan oqoon meeshay u socdaan. 
Sidaas darteed qofka raba inuu ka mid noqdo guuleystayaasha waa inuu is weydiiyaa 
su’aalahan noocan oo kale ah sida maxey yihiin yoolalka noloshayda? Yoolalkaygu ma yihiin 
kuwa u kala qaybsan yoolal dhaw iyo kuwa fog? Ma ahay qof diyaar u ah inuu gaaro heerka 
hadda uu joogo mid ka fiican oo ka sareeya? Diyaar maw ahay in aan ka dhabeeyo 
hididiilooyinkayga? 
Waxaa ah arrin laga naxo in aad aragto dad badan oo aan aqoon meeshay u socdaan, waliba 
ay ka muuqato sidey u dhaqmayaan inay yihiin dad aan dan ka lahayn una aaba yeelayn inay 
u arrimiyaan noloshaan isku dhex yaacsan si’ay uga bixi lahaayeen? 
Sheeko arrintaas cadeynaysa. 
Waxaa jirey laba nin oo shirkad ka shaqayn jirey, shirkadii ayaa u dirtay inay sii hagaajiyaan 
dabaqa 10aad dhisme ka kooban ilaa 10 dabaq ama biyaano, nimankii markii ay yimaadeen 
dabaqii ayay arkeen wiishkii ay raaci lahaayeen oo kharaabsan, haddii ay arrintii rogrogeen 
waxaa usoo baxdey inay qalabkooda tuurta saarsadaan dabaqana koraan oo jaran jarada 
raacaan, waxey raftaan oo neef tuuraanba dabaqii 10 aad ayay soo gaareen, markaas ayaa mid 
ka mid ah labadii nin saaxiibkiis ku yiri, waxaan kuu hayaa laba arrimood mid naxdin leh iyo 
mid farxad leh, mida farxada leh waxey tahay inaynu nabad ku soo gaarnay dabaqii 10 aad, 
mida naxdinta lena waxey tahay inaanu ahayn dabaqani kii laynoo diray oo aynu 
khaldanay !. DR Ibraahiim alfiqi ayaa ku qoray kitaabkiisa (xakamee noloshaada). 
Sheekadaan waxey astaysay noloshuu tilmaamaayay ninkii carabka ahaa ee gabyayay oo yiri 
‘waan imi mana aqaano meeshaan ka imi, waddo hortayda ah ayaan arkay markaas ayaan 
qaadey oo raacay, waxaan ahaanayaa mid waddadaas ku socda waligiis, ama aan diido ama 
aan ogolaadee kii waddadaas qaada ayaan ahay, maahi mid garanaaya sidee wadadaan ku 
aragtay, maxaad waddadaan u raacdey? halkee wadadaan ku geynaysaa?’. 
Akhriste, waxaan filayaa inaad ila aragtay dad badan oo noocaas oo kale noloshoodu tahay.



CAQABADA 3AAD 


ISKU DHEELI TIR LA’AANTA NOLOSHA . 


Akhriste guusha dhabta ah waa midda isku dheeli tiran ee kulansanaysa dhammaan qeybaha 

noloshaada kala duwan. 

Haddaba si ay kuugu suurtagasho inaad gaarto guul isku dheeli tiran, waxaa lagama 

maarmaan ah inaad dajiso qorshe miisaaman oo aan dhinacna u dheeliyin, dheeli gaasna 

waxaa ka ilaalinaaya inay u dhamaystiran yihiin tiirarkiisa ee kala ah: 

1.Tiirka Cibaadada. 

2.Tiirka Caafimaadka. 

3.Tiirka Dhisida iyo hormarrinta naftaada. 

4.Tiirka shaqadaada. 

5.Tiirka lacagta, xaggee kaasoo gashaa, halkee ku bixisaa. 



CAQABADA 4AAD. 


MAARAYN LA’AANTA WAQTIGA .

 

Akhriste, waqtiga oo la maamulo ama la maareeyo waa furaha hormarka, ummad kasta oo 

hormar gaartay waxey ku gaareen markay waqtigooda maareeyeen ama ay qorsheeyeen 

habkii ay uga faa’iidaysan lahaayeen.

 Haddaba Anigoo ka anbaqaadaaya dareenka wanaagsan ee aan dalkayga hooyo u 

xanbaarsanahay iyo hormarkaan la jeclahay, ayaan is weydii yaa su'aalahaan, maxaa 

waddankayga dib uridey? Muxuu waddankaygu uga mid noqdey 10 waddan ee 

baasapoorkooda loogu neceb yahay? Muxuu waddankaygu in ka badan 20 sano dawlad la'aan 

u yahay? Muxuu waddankaygu u noqdey mid ay ka taliyaan hay’ado iyo ururo waddamo 

kale la galeeyahay? 

Haddaba akhristaha qiimaha badanoow soo ma haboona in aan is weydiino, dad 

waddankoodii heerkaas maraayo hurda miyaa u taala? Ma inuu biibitooyinka iyo 

makhaayadaha ka sheekeeyo miyaa? Ma inuu waqtigiisa ku lumiyo fadhi ku dirdir iyo reer 

hebel ayaa ka fiican reer hebel miyaa? Macquul ma tahay iyadoo waddankeenii sidaas yahay 

in waqtigeena aan kulumino wax aan faa'iido inoo lahayn? Maynaan ogeyn dawladaha 

horumaray inay hormareen markay waqtigooda qorsheeyeen oo si fiican uga faa’iideysteen? 

Sidee waddankeena u hormarrinaynaa haddii waqtiga intiisa badan inakaga lumo marfish 

fariisi iyo qaad ruugid? Sidee dalkeena ku hormarrinaynaa haddii waqtigu yahay shayga ugu 

fudud ee inaka dayacma, dayacaadiisana aynaan u arag wax dhib ah?



CAQABADA 5AAD. 


AAMINAADA GURRACAN (TABAN). 


Culimada ku takhasustay maskaxda aadanaha, waxay ku qiyaasaan in qofka maalintii inay 

soo marto 160 kun oo fikradood, 80% ka mid ah waa fikrado gurracan ama togan, oo qofka 

dantiisa iyo maslaxadiisa ka soo horjeeda. 

Akhriste, bal tusaalayaashan soo socda si qoto dheer u dhuux, si ay kuugu cadaato 

caqabadaan dhibka badan ee bulshadeena ku habsatay asaageedna ka reebtay. 

Sheekadii kabaha: 

Waxaa jirey laba shirkadood oo ka ganacsada iibinta kabaha, waxay dirsadeen laba nin oo 

usoo xog ogaada in suuq kabood uu leeyahay waddan ka mid ah waddamada adduunka.




CAQABADA 6AAD. 


Duruufta iyo ku marmar siyeedkeeda


Duruuf + fikrad ama go’aan = Natiijada dhalanaysa. 

Anna jaamici ayaan ahay walaalkayna waa dareewal. 

Sheeko gogol dhig ah. 

Anigoo maalin jeedinaaya muxaadaro ku saabsan duruufta iyo sida dadku ugu 

marmarsiyoodaan iyagoo raba inay ku qariyaan guuldaradooda, ayaa waxaa ka mid ahaa 

dadkii dhagaysanaayay wiil dhallin yaro ah, wiilkii ayaa wuxuu iiga sheekeeyay dhacdo isaga 

ku dhacday, wuxuuna yiri: 

Waxaan ahayn laba wiil oo walaala ah, wiilkii iga weynaa markuu dhameeyay dugsigii sare 

ayaa Aabbe ku yiri: lacag aan jaamacad kaaga bixiyo ma haysto, ee adigaa og saad samaynsid, 

markii saas lagu yiri ayuu go’aansaday walaalkay inuu dareewal noqdo, halkaasna wax 

barashadii kaga tago. 

Aniguna markaan dhameeyay dugsigii sare, ayaa Aabbe igu yiri intii uu walaalkay ku yiri, 

markaas ayaan go’aansaday in aan geed dheer iyo mid gaaban u maro saan ku heli lahaa 

lacagtaan jaamacada ku dhigan lahaa, waana helay oo waykan aan maanta jaamacadda 

dhiganaayo. 

Walaalkay waa dareewal anna jaamici ayaan ahay, walaalkay waxbarashadii waa ka tagay 

anna waa aniga ilaa hadda wada. 

Akhriste, sida sheekadan ka muuqata duruufta qabsatay labadaan wiil, waa isku mid, mid 

walba Aabihiis ayaa ku yiri, lacag aan kaaga bixiyo jaamacad mahayo.



CAQAAABADA 7AAD.


CURYAAMIYAASHA(HANJABIYAASHA). 


Sheekadii Xiisadii xisaabta. 

Waxaa jiray wiil, wiilkaasi wuxuu dhiganaayay jaamacad. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu 

wuxuu ku hurdooday xiisad dhexdeed xiisadaasina waxay ahayd xiisad xisaab ah. Wuxuu 

wiilkii ku soo kacay markii xiisadii dhamaatay qayladii iyo buuqii ardayda, markuu indhaha 

kala qaadayna wuxuu arkay laba masalo ama laylis oo uu Macallinku ku qoray sabuurada, 

isla markiiba wuxuu la booday qalinka iyo buuga isagoo raba inuu boobsiiyo oo qorto inta 

aysan ardaydu sabuurada tirtirin oo masaxin, wiilkii markuu qortay labadii masalo wuxu 

la'aaday guriga, markuu damcay inuu ka shaqeeyo wuxuu arkay inay yihiin laba masalo oo 

aad u adag, wuxuu muda la raftaba wuxuu ku guulaystay inuu ka shaqeeyo hal masalo, 

maalintii danbe markii la gaaray xiisadii Macallinka ayuu Macallinkii u geeyay masaladii uu 

ka shaqeeyay isagoo waliba u cududaaranaaya inuu ka shaqayn waayay midii kale, 

Macallinkii ayaa ku yiri '' xiisadii ugu dameysey anigu wax waajibaad ah ama laylis ah 

idiinma dirin '', markaas ayaa ardaygii ku yiri :- Macallin labadaan masalo waxaan ka qortay 

sabuurada markaad noo soo gashay xiisadii ugu damaysay, markaas ayaa Macallinkii ku yri '' 

labadaas masalo waxaan sabuurada ugu qoray ardaydaan u sheegaayay in aan la xallin karrin 

qof ka shaqayn karana uusan jirin '', markaas ayuu ku yiri ardaygii :- hade Macallin hal mid 

ayaanba ka shaqeeyay tan kalena laga yaabbe in aan ka shaqeeyo haddii aan dadaal 

dheeraada ku bixiyo . markaas ayaa Macallinkii yaabay oo uu qaadan waayay labadii masalo 

mid ka mid ah ayaa arday ka shaqeeyay. 

Akhriste, waxaa jira dad hadalkoodu sunta abeesada ka daran yahay, dad har iyo habeen u 

taagan inay dadka dadaalaaya han jabiyaan, dad shaqadoodu tahay inay qodax ku beeraan 

waddada guulaystayaashu marayaan, dad caqabad ku ah hormarka bulshooyin kooda. 

Tusaale ahaan, waa dad haddii aad fikrad ula tagto ku han jabinaaya ama kugu jeesjeesaaya, 

waa dad haddii aad la kulanto adigoo hididiilo weyn xanbaarsan kula degaya sidii qof aan 

dabaal aqoon oo idinkoo badda ku jira ku qabsaday dabadeedna hoos kuula tiinbaday. 

Khabiir ku takhasusay cilmi nafsiga ayaa wuxuu inoo cadaynayaa in ilmuhu intuu yar yahay, 

uu maqlo 148000 oo kelmado hanjabina, meeshuu ka maqlaayo 400 oo kelmadood oo niyad 

dhis ah. 

Baddanaa inta ilmaheenu inaka maqlo ma samayn kartid, ma gaarikartid, ma noqon kartid 

iwm.



CAQABADA 8AAD. 

WANAAG SAADSIGA (OPTIMISM) IYO XUMAAN 

SAADSIGA (PESSIMISM). 

Akhriste, wanaag saadsiga iyo xumaan saadsiga saamayn weyn ayay ku leeyihiin, hab 

dhaqanka qofka, caafimaadkiisa nafsi ahaan iyo jir ahaanba. 

Akhriste, qofka ku astaysan wanaag saadsi, waxaa lagu yaqaanaa inuu yahay mid had iyo jeer 

Alle ka fila inuu meel wanaagsan gaynaayo guulaystayaashana ku daraayo. 

Wanaag saadsigu wuxuu qofka ka ilaaliyaa inay dhibaatooyinka ku dhacaya ay ku keenaan 

ama ku reeban quusasho iyo niyad jab. 

Wanaag saadsigu wuxuu ku gaarsiinayaa in aad Rabbi ku kalsoonaato, wuxuu kaa dhigayaa 

inaad noqoto mid Alle ku xiran oo aakhiro u shaqaysta, wuxuu kaa dhigayaa inaad noqoto 

mid arka yoolkiisa, haddii caqabado ka horyimaadaan, wuxuu ku siinayaa dhiiranaan iyo 

kalsooni aad naftaada ku qabto, si aad uga gudubto caqabadahaas. 

Wanaag saadsigu, waa astaanta lagu yaqaan halyayada, guulaystayaasha, mu’muniinta. 

Wanaagsaadsigu wuxuu kugu abuurayaa inaad yeelato hididiilooyin, waxaad ka helaysa 

firfircooni aad shaqadaada ku qabsato. 

Wanaag saadsigu wuxuu cabbirayaa nolosha inta fiican. 

Dhanka kale haddii aan fiirino, xumaansaadsigu waxaan oran karaa waa midka Soomaali tusi 

waayay khayraadka dalkooda, waa midka ay dhallin yaradeenii iyo wax garadkeenii ay badda 

ugu dhammaanayaan iyagoo nolol ka maqan baadi goobaaya, waa midka keenay in qofka 

Soomaaliga ah ee dalka gudihiisa ku nool u arko inuu xabsi ku jiro oo uu mar uun 

rajeynaayo sidii uga bixi lahaa xabsigan dhibaatada badan.


Post a Comment

Previous Post Next Post